Brack Obama

Brack Obama

Brack Obama

Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Brack Obama ayaa ku tilmaamay taalabo lagu farxo in mudo kaddib ay dib xoriyadooda u helaan lahaystayaal u kala dhashay dalalka Maraykanka iyo Denmark, kuwaa oo mudo badan Afduub loogu haystay gobolada Dhexe ee Dalka Somaaliya, kaddib howlgal loogu Magac daray Soo badbaadinta Shaqaale.

Brack Obama Madaxwaynaha Maraykanka ayaa si aad ah usoo dhaweeyay howlgalka Ciidamada Maraykanka ay kusoo furteen Jessica Buchanan, oo ah Haweenay 32 sano jir ah oo u dhalatay Dalka Maraykanka iyo Dane Poul Thisted oo ah 60 Sano jir ah una dhashay Dalka Demark waxaana uu Madaxwayne Obama uu intaasi ku daray in howlgalkaasi sida ugu macquulsan loo fuliyay laguna guulaystay Hadafkii laga lahaa isagoo mahad gaar ah u jeediyay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Maraykanka oo howlgalkaasi Fuliyey.

Madaxwayne Brack Obama ayaa Carabka ku dhiftay in howlgalkaasi lagu soo furtay lahaystayaasha Ajnabiga ah uu isagu qalinka kuduugay go’aankeedana uu isugu lahaa.

“Arintan waxaa ay digniin cad oo muuqata utahay cidkasta oo iskudayda in ay waxyeelayso Muwaadiniiteena waa ay naga go’antahay inaan difaacno Muwaadininta Dalkeena” ayuu yiri Mr Barack Obama Madaxwaynaha Dalka Maraykanka.

Sidoo kale Madaxwaynaha Maraykanka ayaa lagu wargeliyay in howlgalkii ka dhacay Somaaliya lagu guulaystay dibna Xoriyadooda loogu soo celiyay lahaystayaalkii Afduubnaa, xilli uu jeedinayay Qudbada Xaflada Sanadlaha ah ee Dalka Maraykanka.

Sikastaba Hadalka kasoo yeeray Madaxwayne Obama ayaa waxaa uu imanayaa xilli ciidamo kumaandoos ah oo watay Diyaarado Helicopter’s ah ay si xoog leh kusoo furteen labadaasi Qof ee oo lagu haystay Gobolada Dhexe ee Dalka iyadoo howlgalkaasina ay ku dileen sida la sheegay Sideed ka tirsan kooxaha Afduubayasha ahaa kaddibna dib uga laabtay Soomaaliya, markii ay gaareen Hadafkii ay u soo baxeen Ciidamadaasi Maraykanka.

More Info: Click here

Obama oo sheegay in ciidamo gaar ah ay fuliyeen weerar lagu soo furtay muwaadiniintooda.. DAAWO HOWLGALKA

Madaxwaynaha dalka maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in howgalkii Somalia ka dhacay ay fuliyeen askar qaas ah oo ka tirsan kuwii dilay hogaamiyihii Al qaacidda Osama bin laden oo lagu dilay magaalada Abutabad ee dalka Pakistan.

Brack Obama ayaa sheegay in howgalkaasi ahaa mid lagu guulaystay islamarkaana uu noqday howlgal ka wada farxiyay dhamaan shacab waynaha maraykanka.

Hadalka dad badan oo goob jog u ahaa dhagaysiga khudbadda madaxwaynaha marayakanka barrak obama oo habeenkii talaadada ahayd ka jeedinayay ayaa ahayd mar uu madaxwaynaha maraykanka oo khudbadiisa sanadlaha ahayd ayaa ahaa mar uu dhahayay caawa maraykanku waxa uu qabandoonaa shaqo wanaagsan.

Waxana saacado kadib laga war helay war ka soo baxay taliska ciidamada maraykanka ee Africa ee africom lagu sheegay in ciidamo qaas ah oo maraykan ah ay soo furteen Jessica Buchanan, 32, Poul Hagen Thisted, 60, oo kooxo burcad badeed Somali ah ay ku haysteen dalka Somalia .

Obama ayaa ugu baaqay kooxaha isku dayaya in ay afduubtaan muwaadiniinta maraykanka ah inay ka feejignaadaan afduubka ay u geesanayaan muwaadiniita maraykanka ah oo ay la kulmi doonaan cawaqib xumo.

QAABKII WEERARKA UU U DHACAY HALKAAN KA DAAWO

View:31

Short URL: http://www.somalpost.com/?p=706